Home Wararka Maanta Somaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis gaaraya 92.6 milyan oo dollar (SAWIRRO)

Somaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday heshiis gaaraya 92.6 milyan oo dollar (SAWIRRO)

by Laacib

Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis horumarineed, oo ku kacaya adduun lacageed oo dhan $92.6 milyan.

Mareykanka ayaa heshiiskan Somaliya kaga caawinaya qaar ka mid ah barnaamijyadeeda horumarinta.

Wasiirada Qorsheynta iyo Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene iyo Biixi Imaan Cige ayaa heshiiskan u saxiixay Somaliya, halka Mareykanka uu u saxiixay Sii Hayaha Safiirka Mareykanka ee dalka, Shane Dixon.

“Heshiiskani waxa uu dhisayaa 17 sano oo Mareykanku uu ku caawinayo horumarinta Somaliya, aragtideenna wadajirka ah ee adkeysiga iyo sida ay nooga go’an tahay mustaqbal barwaaqo ah.” Ayuu yiri Shane Dixon.

Wasiirka Qorsheynta Somaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene ayaa dhankiisa sheegay in heshiiskan uu Somaliya ka caawinayo dhisidda adkeysiga & xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqalaaha, dowladnimada, awoodsiinta hoggaamiyeyaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xiriirka labada dal ayaa muddooyinkii ugu dambeysay u muuqday mid sii xoogeysanaya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc