Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka teleefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaas oo uu ugu hambalyeeyay dib u doorashadiisii.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka labada dalka iyo sidii loo dardargelin lahaa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
“Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Somaliya & Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii horey uga dhaxeeyay labada dal.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweyne Erdogan ayaa Axaddii guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday, ee uu kula tartamayay hoggaamiyaha mucaaradka, Kemal Kılıçdaroğlu
Erdogan ayaa xafiiska sii jooga doona 5-ta sano ee soo socota, isagoona dalkaasi soo maamulayay labaatankii sano ee ugu dambeysay.
Dowladda Madaxweyne Erdogan ayaa Somaliya ka taageerta arrimaha amniga, dib-u-dhiska ciidamada & tayayntooda, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.