Home Wararka Maanta Somaliya oo beenisay in Dowladda Emirate-ka Carabta ay dhaqaalaha ka jartay ciidamada

Somaliya oo beenisay in Dowladda Emirate-ka Carabta ay dhaqaalaha ka jartay ciidamada

by Laacib

Dowladda Somaliya ayaa beenisay in Dowladda Emirate-ka Carabta ay hakisay kabkii maaliyadeed ee ay Somaliya kaga taageereysay mushaarka Ciidamada Qalabka Sida qaarkood.

Abu Dhabi ayaa Somaliya bil kasta ka caawisa mushaaraadka ciidamada qaybtood, iyadoona siisa mallaayiin dollarka Mareykanka ah.

Ka dib heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee bishii February ay gaareen Dowladaha Somaliya iyo Turkiga ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Abu Dhabi ay hoos u dhigtay xiriirkeedii Somaliya, isla-markaana ay hakisay taageeradeeda dhaqaalee ee Muqdisho, iyada oo saluugsan heshiiskaasi, waana xilli Abu Dhabi iyo Muqdisho ay horey u wada gaareen heshiis dhanka difaaca ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay bishan heleen mushaaraadkooda oo qayb laga jaray, taas oo xoojineysa warka ku aaddan in Abu Dhabi ay hakisay taageeradeeda dhaqaale, waxaana xusid mudan in ciidamada Isniintii soo banneeyay difaacyadii ay ku lahaayeen koonfurta Gobolka Mudug ay ka cabanayaan daryeel la’aan.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inaanu wax hakad ah ku iman mushaarka la siiyo ciidamadeeda dagaalka kula jira kooxaha hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay inaysan dowladdu soo food-saarin dhaqaale xumo, isla-markaana aanay jirin wax ciidan ah oo mushaarka laga jaray.

“Dhammaan ciidamadu mushaarkooda way qaateen, wax iska bedelayna ma jiro.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala oo wareysi siiyay BBC.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa isna sheegay in dalka ay ka socdaan hawlgalo looga ciribtirayo maleeshiyada Al Shabaab, inta hawlgaladu socdaana ay daldaloolo iman karaan, balse ay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaruhu wadaan qiimeyn ku aaddan hakadka ku yimid hawlgaladaasi iyo sidii loo dardargelin lahaa.

“Haatan waxaa socdo dib u qiimeyn ku saabsan hawlgaladaasi sida loo xoojinayo, oo Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ay horkacayaan, si dagaalka dhameystirkiisa iyo in horey loogu sii socdo laga wadatashto.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo VOA la hadlay ayaa yiri “Waxyaabo yaryar way soo bixi karaan oo hawlgalo ayaa socdo. Sawirka guud ee laga fiirinayo hawlgalada waxaa weeyaan guulaha ay ciidamadu gaareen iyo meelaha ay haystaan. Marka qiimeynta socota ee la doonayo in dib hawlgalada loogu xoojiyo ayay ka soo bixi doonaan wixii daldaloolooyin ah ee la saxayo iyo wixii kale ee markaasi aan shacabka la wadaagi lahayn ee ku saabsan sida ay wax u socdaan, intaba.”

Wasiirka ayaa meesha ka saaray baqdinta ay dadka qaarkii ka qabaan in ciidamadu ay soo banneeyaan saldhigooda Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, isagoo taasi bedelkeedana sheegay in dowladdu ay sii wadi doonto hawlgalada dib-u-xoreynta dalka.

“Dowladdu marnaba diyaar uma ahan amaba kuma talagaleyso in ciidamadeedu ay dayacaan goobaha ay gacanta ku hayaan. Ujeedka waxaa weeyaan Somaliya oo nabad ah, taasna ay ku imaanayso hawlgalada haatan socdo oo la xoojiyo, isla-markaana gacanta lagu dhigo dhammaan qaybaha yar ay ku harsan yihiin Khawaarijta Al Shabaab, taas ayuuna yahay qorshaha dowladda, mana jirto qorshe kale oo taa ka duwan.” Ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee loo yaqaano Macawiisley ayaa toddobaadkan soo banneeyay fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanada Bacaadweyne iyo Cammaara, oo ciidamadu ay la wareegeen daba-yaaqadii sanadkii hore. Shabaabka ayaana la sheegay inay dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaanadaasi.

Si kastaba ha-ahaatee Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa Villa Somalia ka taageerto arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska ciidamada, waana mid ka mid ah dalalka haatan dhaqaalaha ugu badan ku bixiya xoojinta iyo tayayntooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc