Home Wararka Maanta Somaliya oo dacwad ka gudbineysa Dowladda Itoobiya

Somaliya oo dacwad ka gudbineysa Dowladda Itoobiya

by Laacib

Dowladda Soomaaliyeed ayaa qorsheynaysa in ay dacwad ka gudbiso Dowladda Itoobiya, haddii aysan ka laaban damaceeda loo arko in ay ku boobeyso Badda Somaliya.

Dowladda Soomaaliyeed ayaa mid sharci darro ah u aragto heshiiskii is afgaradka ahaa ee Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ay shalay galab ku gaareen Magaalada Addis Ababa.

Heshiiska ayaa dhabaha u gaaraya in markii ugu horreysay muddo 30 sano ah ka dib ay Itoobiya hesho deked ay iyadu maamusho.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka oo maanta shir aan caadi ahayn ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka soo saaray 9 qodob, oo dhammaantood daaran ku xadgudubka Itoobiya ee madaxbannaanida dalka Somaliya.

Mid ka mid ah qodobada ayaa u qornaa “Dowladda Somaliya waxay ka dalbaneysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibada kale ee daneeye nabadda & xasilloonida gobolka iyo caalamka, iyagoo ilaalinaya xeerarka ay ku dhisan yihiin, gudanaayana waajibaadkii loo aasaasay in ay garab istaaggaan xaqa Somaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed, kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay ku soo noqoto xeendaabkii shuruucda caalamiga ah.”

Somaliya ayaa ugu yeertay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyo Ururka Midowga Afrika shirar degdeg ah, oo looga arrinsanayo fara-gelinta Itoobiya.

“Dowladda Somaliya waxay ka dalbaneysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyo Ururka Midowga Afrika inay qabtaan kulamo degdeg ah, si looga arrinsado xadgudubka iyo fara-gelinta Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka Somaliya.” Ayaa lagu yiri qaraarka ka soo baxay Golaha Wasiirada.

Qodobka ugu dambeeya ee qaraarka Golaha Wasiirada ayay Somaliya dib ugu yeeratay Safiirkeedii u joogay dalka Itoobiya, oo ay ugu yeeratay wadatashi degdeg ah.

“Iyadoo arrintan laga jawaabayo Dowladda Federaalka Somaliya waxay la tashi degdeg ah ugu yeeraysaa Safiirkeeda dalka Itoobiya.” Ayaa lagu yiri qaraarka.

Ilo wareedyo ku dhow dhow labada xafiis ee dalka ugu sarreya ayaa sheegaya in Villa Somalia ay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah u gudbin doonto ashtakadeeda ka dhanka ah Itoobiya, haddii Xukuumadda Raysal Wasaare Abiy Ahmed aysan si dhab ah u qaadan, sida ay Dowladda Soomaaliyeed uga biyo diidan tahay heshiiska is afgaradka ah ee aan sharciga waafaqsanayn.

Go’aanka adag ee ka soo baxay Xukuumadda Federaalka ayaa mid waxba kama jiraan ah ka dhigaya heshiiska is afgaradka ah, ee dhinacyadu ay doonayaan in muddo bil ah lagu soo dhameystiro.

Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobey ayaa go’aamada masiiriga ah ee dalka uga dambeeya dowladda uu fadhigeedu yahay Muqdisho, waana tan Itoobiya ku cadaadineysa in ay dib uga istaagto inay marin badeed ka hesho Xeebaha Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc