Home Wararka Maanta Somaliya oo ka guurtay Qorshaha Horumarinta ee NDP, una guurtay NTP

Somaliya oo ka guurtay Qorshaha Horumarinta ee NDP, una guurtay NTP

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP), iyadoona ay Dowladda Federaalka ka guurtay Qorshaha 9aad ee Horumarinta Qaranka (NDP9), oo dowladihii kala dambeeyay ee dalka ay siyaasad ahaan ku soo dhaqmayeen.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Qorshaha Isbedelka Qaranka ee NTP uu tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Somaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo is bedel dhab ah.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in is bedelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog, oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalka iyo dadka, isla-markaana diiradda saaraya maalgelinta ilaha wax soosaarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed.

“Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa’iideysano khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara, waxa uu soo saari doonnaa qorsheyaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaare Barre ayaa hoosta ka xariiqay in is bedel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin is bedelka, taas oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo.

Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa tilmaamay in Somaliya ay ka jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga, kuwaas oo ka abuurmay shuruucdii maalgashiga shisheeye oo la hirgeliyay, dayntii dalka laga cafiyay iyo Somaliya oo ku biirtay Suuqa Ganacsiga Bariga Afrika.

Qorshaha Isbedelka Qaranka ee NTP oo bedelaya Qorshaha 9aad ee Horumarinta Qaranka (NDP9) ayaa horseedi kara hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay dalka.

Dowladda Federaalka ayaa horaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee National Development Plan-9 (NDP9) ku jaangoysay yoolasha horumarka waara ee Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc