Home Wararka Maanta Somaliya oo sheegtay in Israel ka masuul tahay xadgudubyada ka dhacaya Gaza

Somaliya oo sheegtay in Israel ka masuul tahay xadgudubyada ka dhacaya Gaza

by Laacib

Dowladda Somaliya ayaa codkeeda ku biirisay Dowladaha Islaamka iyo kuwa Carabta ee sida kulul Israel ugu eedeeyay duqayntii xalay loo gaystay Isbitaalka Al-ahli Arab ee Marinka Gaza.

Dowladda Somaliya ayaa cambaareysay duqayntaasi oo galaafatay nolosha shan boqol oo qof, tiro kaloo badana ay ku dhaawacantay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay qaadeyso masuuliyadda dhibaatada halkaasi ka dhacday.

“Waxa Israel ka sameynayso Gaza waxaa loo arkaa xadgudub bareere ah oo aan sabab lahayn iyo fal ka dhan ah xeerarka caalamiga ah ee qiyamka bani’aadanimada, oo uu ku jiro sharciga bani’aadantinimada.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Somaliya waxay dalbaneysaa fara-gelin caalami ah, si loo joojiyo xadgudubyada iyo xasuuqa ay la kulmayaan Falastiiniyiinta Gaza. Israel waa inay ixtiraamto sharciga caalamiga ah, isla-markaana ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u joojiso weerarada dadka rayidka, ayna furto marinada iyo xuduudaha badbaadada leh ee gargaarka bani’aadanimo, si loo gaaro Marinka Gaza ee go’doonsan.”

Weerarkan ayaa ka careysiiyay hoggaamiyeyaasha iyo bulshada ku dhaqan Bariga Dhexe, waana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee dadka rayidka ka soo gaara goob qura, tan iyo markii uu dagaalka dib uga dhex qarxay Falastiiniyiinta iyo Israel.

Isbitaalkan oo ku yaala bartamaha Gaza ayaa waxaa maalmihii ugu dambeysay hoy ka dhigtay kumanaan qof, oo ka mid ah dadka ay Israel ku amartay in ay isaga baxaan waqooyiga Gaza, xilli dhakhaatiirta ay la tacaalayaan dadka ay waxyeelada ka soo gaarto duqaymaha Israel.

Al-ahli Arab Hospital ayaa noqonaya isbitaalkii 5aad ee Israel beegsato, tan iyo intii ay dib u soo cusboonaatay colaadda labada dhinac.

Weerarada dhinaca cirka ee sii kordhaya ee Israel ka waddo Gaza ayaa waxaa ku dhintay 3,478 qof, halka 12,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc