Home Wararka Maanta Somaliya oo sheegtay inay u taagan tahay difaaca xuquuqda dadka reer Falastiin iyo xalka laba dal

Somaliya oo sheegtay inay u taagan tahay difaaca xuquuqda dadka reer Falastiin iyo xalka laba dal

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysay ka jeediyay meertada 78aad ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Raysal Wasaaraha ayaa ka hadlay horumarka Dowladda Federaalka ay gaartay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ku guuleysata inay xoreyso boqolkiiba shan iyo afartan (45%) deegaanadii ay gacanta ku hayeen Shabaabka.

Waxaa kale oo uu ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu dalka ka qaado cunaqabateynta hubka ee muddada soddonka sano ka badan saaran, si dalku uga guuleysto kooxaha argagixisada, isla-markaana Ciidanka Qaranka ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in Somaliya ay dhibane u tahay saameynta is bedelka cimilada, taas oo sababtay in dalka ay ka dhacaan abaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla-markaana ay codsaneyso Somaliya in gacan laga siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo is bedelka cimilada.

Raysal Wasaare Barre waxa uu ku baaqay dib-u-habayn lagu sameeyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobey, Bankiyada Horumarinta iyo Nidaamka Guud ee Dhaqaalaha Adduunka, si ay u noqdaan kuwo loo dhanyahay, daahfuran, isla xisaabtan ah oo ku habboon ujeedada.

Dhanka kale Raysal Wasaaruhu wuxuu sidoo kale soo hadalqaaday qaddiyadda dadka reer Falastiin, oo uu sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay u taagan tahay inay difaacdo xuquuqda dadka reer Falastiin.

“Somaliya waxay sii wadi doontaa inay difaacdo xaqa ay dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin aaya-ka-tashigooda.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaare Barre ayaa hoosta ka xariiqay in Muqdisho ay taageereyso dadaalada xalka loogu raadinayo in la helo laba dal oo Falastiin iyo Israel ah.

Barre ayaa cambaareeyay dhibaatooyinka ummadda Muslimiinta loogu gaysto meelo badan oo dunida ka mid ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc