Home Dhacdooyin Somaliya oo si rasmi ah uga mid noqotay Ururka EAC (SAWIRRO)

Somaliya oo si rasmi ah uga mid noqotay Ururka EAC (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Entebbe ee ku dhow Caasimadda Kampala kaga qaybgalay munaasabad lagu saxiixayay in Somaliya ay si rasmi ah uga mid noqoto Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa saxiixay heshiiska ku biiritaanka Somaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika, tani oo ah tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday iskaashiga gobolka.

Heshiiskan ayaa loo arkaa mid horseedaya xilli cusub oo kordhin ah, maadaama muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliya ay sare u qaadi doonto muhiimadda bulshada.

Somaliya ayaa 24-kii bishii November laga aqbalay in ay ku biirto Dalladda Bulshada Bariga Afrika, ka dib shir madaxeedkii 23aad ee madaxda dalalkaasi ku yeesheen Magaalada Arusha ee dalkaasi Tanzania.

Somaliya ayaa noqoneysa dalkii 8aad ee ka mid noqdo Ururka EAC, si ay u ballaariso ganacsiga xorta ah ee gobolka.

Dalalka ku bahoobay dalladan ayaa kala ah Tanzania, Rwanda, Burundi, Uganda, Kenya, South Sudan, Somalia iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc