Home Wararka Maanta Somaliya oo u diyaargaroobeysa shirka caalamiga ah ee COP28

Somaliya oo u diyaargaroobeysa shirka caalamiga ah ee COP28

by Laacib

Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaaamc ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga Somaliya ee shirka caalamiga ah ee isbedelka cimilada ee COP28, kaas oo ka dhacaya dalka Emirate-ka Carabta.

Shirka Qaramada Midoobey ee Isbedelka Cimilada ama Shirka Dhinacyada UNFCCC (COP28) ayaa 30-ka November illaa 12-ka December ka qabsoomi doona Magaalada Dubai, iyadoona kulamada horudhac ah la qaban doono 25-29-ka bishan.

Kulanka uu shir guddoomiyay Raysal Wasaare Kuxigeenka Somaliya ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda DanQarn ee shirka caalamiga ah ee COP28.

“Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan shirka COP28 iyo sidii ay Somaliya shirkaas ula tagi lahayd qorshe cad, oo wax looga qabanayo dhibaatada uu dalkeenna ku sababayo isbedelka cimilada adduunka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga xukuumadda.

Safiirka Emirate-ka Carabta u jooga dalka, Danjire Ahmed Juma Al-Rumaithi ayaa 2-dii bishii October Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre soo gaarsiiyay casuumadda shirkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc