Home Dhacdooyin Somaliya oo ugu dambayn laga cafiyay dayntii ay dunida ku lahayd

Somaliya oo ugu dambayn laga cafiyay dayntii ay dunida ku lahayd

by Laacib

Dowladda Somaliya ayaa ugu dambayn caawa ku guuleysatay in laga cafiyo dayntii ay dunida ku lahayd, ka dib markii ay si sax ah u u soo dhameystirtay shuruudihii ku horgudbanaa in amaahdaasi laga dhaafo, oo ay qayb ka tahay kobaca wax soosaarka gudaha.

Guddiyada Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo Qaybta Horumarinta Caalamiga (IDA) ee Bankiga Adduunka ayaa meelmariyay barta dhameystirka Somaliya ee barnaamijka dayn ka cafinta dalalka saboolka ah daymaha badan lagu leeyahay (HIPC).

Somaliya ayaa laga cafiyay afar dhibic shan bilyan oo lacagta Mareykanka ah ($4.5B), lacagtan oo ay ku lahaayeen dalalka iyo ururada maaliyadeed ee ugu waaweyn caalamka.

Bayaan ay si wadajira u soo saareen Bankiga Adduunka iyo Hay’adda IMF ayaa lagu sheegay in dayn-cafintan ay fududeyn doonto ilo dhaqaale oo dheeri ah oo muhiim ah, kana caawin kara Somaliya xoojinta dhaqaalaheeda, yareynta saboolnimada iyo kor u qaadidda fursadaha shaqo abuurka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran u soo dhaweeyay natiijada bar dhammaadka ee ah in Somaliya laga cafiyo dayntii uu dulsaarkeedu kordhayay, isla-markaana ay la ciir ciireysay.

“Hanaanka dayn-cafinta Somaliya waxa uu ahaa ku dhawaad toban sano oo dadaalo dowladeed oo is dabajoog ah oo socday saddex maamul siyaasadeed. Tani waxay muujinaysaa sida ay nooga go’an tahay qarankeenna iyo mudnaanta aan siinayno ajandahan muhiimka ah ee wax badan noo suurtagelinaya.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc