Home Wararka Maanta Somaliya oo xoojineysa ololaheeda xubinimada Golaha Ammaanka

Somaliya oo xoojineysa ololaheeda xubinimada Golaha Ammaanka

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray Magaalada Manama ee xarunta dalkaasi Bahrain.

Raysal Wasaaraha Somaliya ayaa Caasimadda Manama kaga qaybgelaya meertada 33aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Arrimaha ugu waaweyn ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa laga xusi karaa duulaanka Israel ee Marinka Gaza, qaddiyadda Falastiin, colaadda Suudaan, arrimaha Suuriya iyo Somaliya.

Raysal Wasaaraha Somaliya ayaa la filayaa in shirka uu ka jeediyo khudbad la xiriirta dowlad dhiska Somaliya, horumarka ay Dowladda Federaalka ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dadaalka ay Somaliya ugu jirto, sidii ay xubin uga noqon lahayd 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Raysal Wasaare Barre ayaa muddada uu ku sugan yahay dalkaasi waxa uu kulamo gaargaar ah kula qaadan doonnaa Madaxda Carbeed ee shirkaasi ka qaybgelaya.

Somaliya ayaa xeed-xeedasho ugu jirta, sidii dalalka Jaamacadda Carabta ay uga heli lahayd codka ay uga baahan tahay, maadaama ay dooneyso in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka.

Somaliya ayaa tan iyo sanadkii hore olole ugu jirtay, sidii ay xubin uga noqon lahayd Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood.

5 ka mid ah dalalka Golaha Ammaanka ayaa ah kuwo joogto ah oo aan la bedelin, halka kuraasta 10-ka kalena loo qaybiyay dalalka kale ee caalamka. Kuraastaas oo ah kuwo la isku bedbedelo ayaa waxaa soo doorta Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Muddo xileedka dalalka aan joogtada ahayn ayaa ah laba sano. Afrika oo kale waxay ku leedahay illaa saddex kursi oo dalalka ku fariisanaya la soo doorto.

Dalalka daneynaya in ay kursi ka helaan Golaha Ammaanka ayaa sameeya olole cod raadis ah, waana sababta Somaliya ay codka uga raadineyso dalalka ay saaxiibada yihiin.

Somaliya ayaa horey dalalka Afrikada Bari qaarkood uga codsatay in ay ku taageeraan ololaheeda.

Dalalka joogtada ah ee aan la bedelin ayaa kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc