Home Wararka Caalamka Spain oo Israel ka dalbatay inay joojiso weerarada iyo go’doominta Gaza

Spain oo Israel ka dalbatay inay joojiso weerarada iyo go’doominta Gaza

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain, Jose Manuel Albares ayaa Maamulka Israel ugu yeeray inay joojiyaan weerarada ay dadka badani ku dhimanayaan ee ay ciidamadooda ka gaysanayaan Marinka Gaza iyo weliba go’doominta ay ku hayaan.

Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay weerarada Ciidamada Israel oo galaaftay nolosha in ka badan 31,000 oo dad shacab ah, halka in ka badan 73,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

“Dhimashadu maaha tirooyin, waxa la dilaayo waa dad hilib iyo dhiig leh, taasna ma ilaawi karno.” Ayuu yiri Wasiirka oo Arbacadii booqanayay dalka Jordan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain oo ka barbar hadlayay dhiggiisa dalkaasi Ayman Safadi ayaa muujiyay, sida uu uga xun yahay in inta badan dadka lagu dilay Gaza ay yihiin carruur.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Beesha Caalamka aysan intaan ka dib ka sii aamusnaan karin masiibada ka jirta Marinka Gaza, ayna tahay in la qaado tallaabooyin lagu soo afjarayo colaadda Gaza.

Waxa uu sheegay in dilka iyo gaajeysiinta ay Israel ka waddo Gaza ay xadgudub ku tahay shuruucda caalamiga ah, isagoona Tel Aviv ugu yeeray inay u hoggaansanto sharciyada caalamiga ah iyo go’aankii Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ee looga dalbanayay inay ilaaliso dadka rayidka ah.

“Qofna kama sarreyo sharciga ama go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah.” Ayuu yiri Jose Manuel Albares, Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Aniga iyo Wasiir Safadi waxaan ku heshiinay, tan iyo bilowgii baahida loo qabo xabad joojin fududeysa gelitaanka gargaarka bani’aadantinimo, si loo joojiyo dadka rayidka ah inay ku dhintaan duqaymaha amaba ay u dhintaan gaajo.”

Wasiir Albares oo socdaal ku maraya Bariga Dhexe ayaa sidoo kale u ololeynaya shirweyne caalami ah, si tobanaan sano ka dib loo soo afjaro colaadda Falastiiniyiinta iyo Israel, loona helo laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez ayaa toddobaadkan ku celiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay in uu aqoonsado dowlad ay leeyihiin dadka Falastiiniyiinta.

Spain ayaa hormuud u ah dalalka Midowga Yurub oo qaarkood doonaya in la yegleelo dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta oo ka barbar dhalata Israel.

Dowladaha reer galbeedka ayaa wajahaya cambaareyn caalami ah iyo cadaadis gudaha ah, taas oo ka dhalatay taageeradooda joogtada ah ee Israel, oo iyadu dhiig gacmaha kula jirta.

Bulshada dunida oo ka daashay isku dhacyada ku soo noqnoqday Bariga Dhexe ayaa garowsan in xalka uu ku jiro laba dal oo deris ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc