Home Wararka Maanta Sweden oo ku biirtay sanduuqa lagu taageero Somaliya ee TPSS

Sweden oo ku biirtay sanduuqa lagu taageero Somaliya ee TPSS

by Laacib

Safiirka Sweden u jooga dalka, Danjire Joachim Waern ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in dalkiisu uu ku biiray Sanduuqa Nabadda & Dowlad-dhiska Somaliya ee (TPSS).

Safiirka ayaa shir jaraa’id ka sheegay in Dowladda Sweden ay dhaqaale ku biirineyso sanduuqa TPSS, iyadoo Sweden ay markaasi xoojineyso taageeradeeda Somaliya.

“Annagoo dib u milicsanayna taageerada joogtada ah ee ay bixiso Sweden, waxaan ku hanweynahay in aan ku dhawaaqno iskaashi cusub oo looga gol leeyahay in lagu kordhiyo bixinta adeegyada muhiimka ah iyo wax ka qabashada baahiyaha dadka ku nool gobolada nugul iyo kuwa dhawaan la xoreeyay. Sweden waxay ballanqaadaysaa inay taageerto hindisayaasha ay hormuudka ka tahay oo ay leedahay Somaliya, dhiirigelinta iyo taageeridda adeegsiga nidaamyada dalka. Istiraatiijiyadani waxay taageertaa dib-u-cusbooneysiinta heshiisyada bulsho ee u dhaxeeya dawladda iyo muwaadiniinteeda, si kor loogu qaado nabadda, xasilloonida iyo dib-u-soo kabashada Somaliya dhexdeeda.” Ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Intaas waxaa dheer Dowladda Sweden waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo wax-qabad muuqda oo ku saabsan qaddar ay labada dawladood ku heshiiyeen habka maalgelinta TPSS (Towards Peace and Stability in Somalia-Fund). Maalgelintan oo ay la kaashaneyso Dowladda Somaliya ayaa fududeyn doonta howlaha sanduuqa TPSS.”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waxaa kaloo muhiim ah in la muujiyo in Sweden ay ku adkeysan doonto barnaamijyadeeda taageerada joogtada ah ee Somaliya, iyadoo ka faa’iideysaneysa danaha wadaagga ah ee labada dal. Wada hadalada ku saabsan mashaariicda sanadka 2024 ee hoos yimaada iskaashigan la xoojiyay ayaa la qorsheeyay inay bilaabmaan waqti dhow.”

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo qaabilay Safiirka Sweden ayaa bogaadiyay xiriirka labada dal.

Raysal Wasaare Barre ayaa 13-kii bishii September xarigga ka jaray sanduuqa TPSS, oo looga gol leeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, isl-markaana lagu xoojiyo taageerada ay bixiyaan Hay’adaha Dowladda Somaliya.

TPSS ayaa ah nooc cusub oo maalgelin ah oo lagu kobcinayo nabadda & xasilloonida Somaliya, adkeysiga bulshooyinka nugul iyo kuwa kale ee ku dhaqan deegaanada laga saaray maleeshiyada Al Shabaab, waana sanduuqa TPSS oo ku suntan wada shaqeynta Dowladda Soomaaliyeed iyo dowladaha deeqaha bixiya, waana sanduuq ay hoggaamiso Villa Somalia, si looga faa’iideysto nidaamyada curinta ee dalka.

Sanduuqan ayaa loo aasaasay in Somaliya ay ka maaranto kaalmada shisheeye ay ku tiirsan tahay, iyadoo uu ujeedku yahay in la helo $100 milyan laba sano gudahood. Dowladda Talyaaniga ayaana noqotay dowladdiisii ugu horreysay ee dhaqaale ku taageerto, iyadoona bixisay 3.8 milyan oo dollar.

Villa Somalia ayaa dowladaha kale ee caalamka ku soo martiqaadday in ay ka qayb qaataan sanduuqa TPSS, oo lagu sheegay tallaabo is bedel oo hore loo qaaday, si loo hiigsado xasilloonida iyo horumarka waara ee Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc