Home Wararka Caalamka Taangiyada Ciidamada Israel oo gaaray galbeedka Rafah iyo dagaal culus oo ka socdo

Taangiyada Ciidamada Israel oo gaaray galbeedka Rafah iyo dagaal culus oo ka socdo

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa wada guluf ballaaran oo ay isugu dayayaan in ay si buuxdo ugu la wareegaan xaafadaha ku yaala galbeedka deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Ciidamadan ayaa la hawlgalaya ciidamo kale oo si dhirirsan weli isugu fidinaya soohdinta u dhaxeyso Marinka Gaza iyo Masar, kuwaa oo hadafkoodu uu yahay inay gaaraan dhulka xeebta ee Koonfurta Gaza.

Ciidamada Israel ayaa hadda qarka u saaran inay wada qabsadaan Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor, iyagoona masaafo yar uun u jira xeebta koonfureed ee Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa goor dambe ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay gaareen dhulka xeebta, isla-markaana ay si buuxda u go’doomiyeen Marinka Gaza oo dhan, inkastoo aanay jirin cid si madaxbannaan warkaasi u xaqiijin karta.

Hawlgalka kale ee ay Ciidamada Israel isugu ballaarinayaan galbeedka Rafah ayaa lagu macneeyay wejigiisii ugu dambeeyay ee ay Israel ku dooneyso in ay ku barakaciso dadkii ku harsanaa dhinaca galbeed ee deegaankaasi.

Dadka barakacayaasha ee ku harsan halkaasi ayaa sheegay in taangiyada Ciidamada Israel ay markii ugu horreysay soo gaareen daanta galbeed ee Rafah.

Wararka ayaa sheegaya in duqaynta xiriirka ah ay diyaaradaha dagaalka Israel ka wadaan bartamaha iyo galbeedka Rafah ay suurtagelisay in ciidamadoodu ay ku soo fidaan dhulkaasi.

Xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayuu dagaal culus ku dhex marayaa xaafadda Al-Qarya as Suwaydiya ee galbeedka Rafah.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid aan waxba la isku reebaneyn, isla-markaana aysan jirin cid ka bixi karta xaafaddaasi iyo cid kaloo soo geli karta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Israel ay u muuqdaan kuwo uu qorshahoodu yahay in ay qabsadaan barta kala qaybisa Rafah iyo Al-Mawasi, si ay isugu xirmaan ciidankooda dhanka xuduudda Masar kaga soo siqaya xeebta.

Al-Mawasi waa goobta bilowgii ay Israel dadkii ay ka barakacisay bariga Rafah u sheegtay inay taggaan deegaankaasi, isla-markaana uu yahay aag nabdoon.

1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah oo gabaadsanayay qaybaha Rafah ayaa la sheegaya in intooda badan ay ku barakaceen deegaanka Khan Yunis iyo qaybaha dhexe ee Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Jimcihii sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday, tirada dadka rayidka ah ee la dilay ay gaartay 36,731 qof iyo dhaawaca 83,530 qof, isla-markaana ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc