Home Wararka Maanta Taliska Booliska oo ka hadlay ismiidaamintii Muqdisho

Taliska Booliska oo ka hadlay ismiidaamintii Muqdisho

by Laacib

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxii ismiidaaminta ee saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay si dhuumaaleysi ah Isgoyska Ifka Xalane ku keeneen gaari uu sheegay in laga soo buuxiyay walxaha qarxa, halkaas oo bar amniga lagu hubiyo ay ku leeyihiin ciidamada amniga, sidoo kalena ay ku taalo Xarunta Dhulbixinta ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in gaarigan oo noociisu ahaa Leyla Calaawi ay Shabaabku ku weerareen Xarunta Dhulbixinta ee Maamulka Gobolka Banaadir, balse ay hadda xaruntan ku shaqeynaysay Shirkadda Nadaafadda Maamulka Gobolka Banaadir ee Ifi.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa xusay in hal qof uu ku dhintay qaraxaasi, laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in qofka qaraxa ku dhintay uu ka tirsanaa Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, kuwa dhaawacmayna ay goobta ka ag dhawaayeen.

“Intaas ayuu yahay khasaaraha meesha ka dhacay, haddana goobta way xiran tahay oo waxaa ku sugan ciidamada ammaanka, gaar ahaan Ciidanka Ciiltire oo ka shaqeynayay hawlgalka sugidda amniga ee caasimadda iyo nawaaxigeeda.” Ayuu yiri Doodisho.

Doodisho ayaa yiri “Waxaa socota baaris la xiriirta nooca iyo agabka uu qaraxaasi ka koobnaa, sida uu goobtaa ku soo gaaray iyo wixii kale ee la xiriira sida ay dhacdadaasi u dhacday.”

Doodisho ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dib kala soo wadaagi doonaan wixii ka soo baxa baaritaanka socda.

Nin la socday gaariga weerarka loo adeegsaday ayay wararku sheegayaan in uu damcay in xoog kaga gudbo barta kontorool ay ciidamada amniga ku leeyihiin Isgoyska Ifka Xalane, ka hor intii aanu ku qarxin Xarunta Dhulbixinta ee Dowladda Hoose ee Xamar.

Ciidanka Xasillinta Muqdisho ayaa Ifka Xalane ku leh bar kontorool oo lagu hubiyo amniga gaadiidka magaalada uga soo gudba dhanka Waddada Warshadaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc