Home Wararka Maanta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo sahay iyo agab kale u diray jiidda hore (SAWIRRO)

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo sahay iyo agab kale u diray jiidda hore (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sahay u diray ciidamada hawlgalada ka wada Gobolada Dhexe iyo deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Guddiga Gurmadka & Taakuleynta Ciidanka ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku wareejiyay raashiin iyo agab kale oo loogu talagalay ciidamada, isla-markaana laga soo uruuriyay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Raashiinka iyo agabka kale ee loogu talagalay ciidamada ayaa lagu raray qaar ka mid ah gaadiidka xamuulka ee ciidamada, si ay u geeyaan furimaha hore ee ciidamada ku sugan yihiin iyo deegaanada maalmihii ugu dambeysay laga saaray Shabaabka.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka iyo Taakuleynta Ciidanka ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in Shabaab looga adkaan karo iskaashi iyo isku duubni.

Gudoomiye Yabooh ayaa ku baaqay in hal dhinac laga noqdo dagaalka lagu la jiro Al Shabaab, haddii aysan taasi dhicin aan ebid laga adkaan doonin Shabaabka.

Yabooh ayaa dadka reer Muqdisho ugu baaqay “Dadweynaha Gobolka Banaadir waxaan ugu baaqaya inay marada dhexda ku xirtaan, oo har iyo habeen ay u taagnaadaan, sidii loo garab siin lahaa ciidamada dagaalamaya.”

Yabooh ayaa sheegay in taakulada ay ku wareejiyeen Taliska Militariga ay ku muujinayaan, sida ay u garab taagan yihiin ciidamada ku sugan aagagga dagaalka.

Taliyaha Hoggaanka Saadka & Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Sharmaarke Cali Afrax ayaa dhankiisa sheegay in inta askarigu ay dadkiisu daba taagan yihiin aanu marnaba ka waaban doonin cadowga.

Taliyaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadda ay maanta u haystaan in ay isaga dulqaadaan maleeshiyada Shabaabka, isla-markaana aanay taakuleynta ciidanka ku eegan bulshada reer Muqdisho oo qura, oo doorkooduna ay ka qayb qaataan.

Gaadiidka lagu raray taakulada ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc