Home Wararka Maanta Taliska Militariga Israel oo 5 guuto ka soo saaray Gaza

Taliska Militariga Israel oo 5 guuto ka soo saaray Gaza

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa Axaddii 5 ka mid ah guutooyinka ciidamadooda ka saaray Marinka Gaza, xilli uu sii kululanayo dagaalka halkaasi ka socda.

Ciidamadan oo ka mid ah kuwii kaydka ahaa ee Israel ayaa dagaalka ka hor qaban jiray shaqooyin kala duwan oo ay ka hayeen gudaha Israel, sida inay macalimiin ka ahaayeen iskuulada iyo jaamacadaha, qaarkoodna ay ka shaqayn jireen warshadaha, shirkadaha iyo beeraha.

Tan iyo markii la geeyay furimaha dagaalka ayaa waxaa hoos u dhac weyn uu ku yimid dhaqaalaha Israel iyo wax soosaarka gudaha.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in ciidamadan looga soo saaray Gaza, si wax looga qabto dhaqaalaha sii liicaya ee maamulka.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa isna sheegay in ujeedadu tahay in la soo noolleeyo wax soosaarka gudaha.

Afhayeenka ayaa muujiyay inaanay is bixineynin sii socoshada dagaalka iyo burbur dhaqaale ee jira.

Wasaaradda Gaashaandhigga Israel ayaa laga soo xigtay in guutooyinka bixiya tababarada ciidamada ay iyagu buuxin doonaan furimaha ay shalay soo banneeyeen 5-tan guuto, isla-markaana ay ciidamada kaydka gacan ka gaysan doonaan dib u soo celinta dhaqaalaha.

21-kii bishii December ayay ahayd, markii Israel ay furimaha dagaalka ka soo saartay guutooyinka sida gaarka ah u tababaran ee Golani, ka dib khasaare xoog leh oo lagu gaarsiiyay dagaalka 3-da bilood jirsaday.

Maka laga soo taggo in xoogaga wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ay dagaalkan khasaare lixaad leh ugu gaysanayaan Ciidamada Israel, haddana waxaa muuqata in dhaawac weyn uu ku yimid dhaqaalihii Israel.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo Sabtidii Waraahinta la hadlay ayaa ku goodiyay in Israel ay dagaalka sii wadi doonto, billaha soo socda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc