Home Wararka Caalamka Taliska Militariga Israel oo sheegay in ciidamadooda ay si khaldan u dileen 3 ka mid ah la haysteyaasha

Taliska Militariga Israel oo sheegay in ciidamadooda ay si khaldan u dileen 3 ka mid ah la haysteyaasha

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa xalay shaaciyay in Ciidamada Israel ay si khaldan u dileen saddex ka mid ah muwaadiniinta Israel ee lagu haysto Marinka Gaza.

“Intii uu socday dagaalka Shejaiya, Ciidanka Difaaca Israel ayaa si khaldan u dilay saddex ka mid ah la haysteyaasha Israel, ka dib markii ay ka shakiyeen, ayna u arkayn khatar ku soo wajahan.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Militariga Israel.

Warka ayaa lagu yiri “Shakiga ay ciidamada ka muujiyeen ayaa keentay in ay rasaas ku furaan, sidaasina ay ku dhintaan.”

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in shaki laga muujiyay aqoonsiga meydadka dadkaasi ay soo dedejisay in loo qaado dhulka Israel, si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo, isla-markaana ay caddaatay in ay yihiin saddex nin, oo ka mid ah la haysteyaasha Israel ee lagu haysto Marinka Gaza.

“Intii lagu guda jiray baaritaanka iyo kormeerka goobta uu falka ka dhacay, waxaa soo baxay shaki ku saabsan aqoonsiga dadka dhintay. Meydadka ayaa baaritaan loogu qaaday dhulka Israel, waxaana la ogaaday inay yihiin saddex nin oo Israeliyiin ah oo afduub loo haystay.” Ayaa lagu sheegay warka Taliska Militariga Israel.

Taliska ayaa magacyada laba ka mid ah raggan ku sheegay Yotam Haim iyo Samer Talalka, halka kan saddexaadna ay sheegeen inaanan magaciisa la shaacin doonin, balse ay geeridiisa la wadaageen qoyskiisa.

“Waxaa farriin loo diray qoyska qofka saddexaad, kaasoo aan magaciisa la shaacin doonin.” Ayuu Talisku ku sheegay warka uu soo saaray.

Tani ayaa dabka ku sii shiday carrada qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha, oo muddo dheer maamulka ka dalbanayay in la joojiyo duulaanka Gaza, Xamaas-na ay la galaan heshiis maxaabiis is dhaafsi ah.

Xoogaga Xamaas iyo Ciidamada Israel ayaa waxaa tan iyo Talaadadii deegaanka Shejaiya ee waqooyiga Gaza ku dhex marayay dagaal culus, oo lagu sheegay iska horimaadkii ugu qaraaraa ee ay la kulmaan Militariga Israel, muddada ay hawlgalka dhulka ah ka wadaan Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc