Home Wararka Maanta Taliska Militariga oo u diyaargaroobay hawlgalka Gobolka Mudug

Taliska Militariga oo u diyaargaroobay hawlgalka Gobolka Mudug

by Laacib

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u muuqdo mid si weyn ugu diyaargaroobay gulufka la doonayo in lagu soo afjaro maleeshiyada Al Shabaab ee ka arrimiya qaybo ka mida koonfurta Gobolka Mudug.

Gobolka ayaa waxaa bishii September si dardar leh uga bilowday hawlgal ka dhan ah mintidiinta Al Shabaab, deegaano badana ay suurtagashay in laga saaro, inkastoo hawlgalka uu hakaday bishii xigtay ee October.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ciidan cusub iyo qalab militariba u daabulay koonfurta gobolkaasi, si dib looga bilaabo hawlgalada.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan koonfurta gobolka ayaa kormeer ku maraya furinta hore.

Taliyaha ayaa ku dhawaaqay in hawlgalka uu dib uga bilaaban doono gobolka, maalmaha iyo billaha soo socdana uu gobolkaasi noqon doono mid ka caagan Al Shabaab.

Taliyaha oo Sabtidii ciidamada kula hadlayay difaacyada ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Shabellow ayaa kula dardaarmay in ay hawlgalka dardargeliyaan.

“Waajibaadkiinii aad ummadda ugu adaygeyseen baad gudaneysaan, waxaana idiin leeyahay hore u socda, wax yar baa dhiman, waxa yarka ahna xididada u siiba.” Ayuu yiri Taliyaha.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rajeynaynaa maalmaha iyo billaha soo socda Gobolka Mudug oo ka caagan kooxaha canaasiirta ah ee dadka dhiigooda caba, baan rajeynaynaa inaan iska wareysano, haddii Ilaahay idmo. Jowle ayaan rajeynaynaa kulankan kulankiisa xigga inaan ku kulano.”

Taliyaha ayaa dadka deegaanka kula dardaarmay “Qof kastoo gobolkan ku nool oo muwaadin Soomaaliyeed ah waa inuu qaataa qorigiisa, waa inuu ka qayb qaataa nimankan in laga sifeeyo gobolka, si dadka horumarkooda iyo noloshooda ay dib ugu dhistaan, dhulkay burburiyeyna loo dahiro, dibna loogu dhiso.”

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee la abaabulay ayuu qorshuhu yahay in ay qabtaan deegaano ay ka mid yihiin Caad, Miiroon, Eryaal, Dumaaye, Dabagalo iyo Jowle.

Hawlgalkan ayaa lagu sheegay mid sifeyn ah oo lagu soo afjarayo waayihii Shabaab ee Gobolka Mudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc