Home Wararka Maanta Taliska Militariga oo xoojiyay difaaca Ciidanka Xoogga Dalka ee Goofgaduud

Taliska Militariga oo xoojiyay difaaca Ciidanka Xoogga Dalka ee Goofgaduud

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu ciidan dheeri ah geeyay deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay.

Goofgaduud Buurey oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga magaaladaasi.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan xerada militari ee deegaankaasi ku taala.

Shabaabka ayaa galabnimadii Arbacada oo ugu dambeysay weeraray xeradaasi ciidan, inkastoo ciidamada ay ka hortaggeen, isla-markaana ay fashiliyeen weerarkaasi.

Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa sheegaya in ciidamadiisa ay isaga filan yihiin weerarada kooxaha argagixisada.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay wadaan abaabulkii ugu dambeeyay oo ay ugu diyaargaroobayaan wejiga labaad ee hawlgalka, isagoona sheegay in mar dhow uu hawlgalku ka bilaaban doono deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa isna sheegaya inaanay Shabaabku lahayn itaal ay maanta kula wareegi karaan Goofgaduud Buurey.

“Goofgaduud Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jooga, difaaciisana waa adag yahay, Shabaab wixii ay hayaan oo ciidan ah markii ay keenaan, meel ay tabar u helayaan ma aha.” Ayuu yiri Wasiirka oo VOA la hadlay.

Wasiirka ayaa weerarada Shabaabka ee Saldhigga Goofgaduud ku sheegay mid uun la mid ah weerarada kale ay ka gaysanayaan xeryaha ciidamada, isla-markaana ay ku muujinayaan inay weli yihiin cudud jira.

“Dad tabartooda sii dhammaatay waaye oo hadda tabar weyn aanan jirin ah, laakiin waxay ka rabaan uun waan joognaa inay dhahaan oo xerooyinka wax ku soo tuurtuuraan, ka dibna cararaan.” Ayuu yiri Wasiirku.

Goofgaduud Buurey waa deegaan istiraatiiji ah oo ku yaala waddada xiriirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Waajid ee Gobolada Baay iyo Bakool.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc