Home Wararka Maanta Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed oo gaaray Qoryooley, xilli ay xiisad ka jirto (SAWIRRO)

Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed oo gaaray Qoryooley, xilli ay xiisad ka jirto (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, G/sare Cabdi Ibraahim Shaamow (Cabdi Dheere) iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wafdigan ayaa degmadaasi u tegay xallinta xiisadda ka dhalatay laba ciidan oo Khamiistii ku dagaalamay Qoryooley. Ciidamadan ayaana ah kuwo deegaanka ah.

Isku dhacooda ayaa waxaa ku dhintay dad, kuwo kalena way ku dhaawacmeen, waxaana xusid mudan in isku dhacoodaasi uu saameeyay degmadaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed oo safarka ay ku wehlinayaan Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre iyo Taliyaha Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Degmada Qoryooley, Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) ayaa la kulmay maamulka degmadaasi iyo Saraakiisha Ciidanka ATMIS ee ka hawlgala degmadaasi.

Masuuliyiinta ayaa Saraakiisha ATMIS iyo maamulka degmadaasi ka dhageystay warbixin ku aaddan, sida ay wax u dhaceen iyo xaaladda guud ee degmada.

Korneyl Cabdi Dheere iyo Gudoomiye Barre ayaa isku dayaya in ay xoojiyaan xabad joojin aan cago badan ku taagnayn oo la kala dhex dhigay ciidamadaasi.

“Falkani meesha ka dhacay waa isku dhac ay isku dhaceen ciidamado deegaanka ah oo dhowr iyo toban sano ka soo shaqeynayay difaaca degmadaasi iyo sidii ay isaga difaaci lahaayeen nimanka nabadiidka ah ee Al Shabaab.” Ayuu yiri Gudoomiye Barre oo Jimcihii ka hadlayay, waxa keenay isku dhaca ciidamada.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in isku dhaca ciidamada uu salka ku hayo kala shaki iyo shirqoolo uu sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay ka dhex abuureen.

“Ciidamadii deegaanka joogay ee difaaca isku la jiray ayaa dhexdooda waxaa laga abuuray kala shaki, ka dibna isku dhacaan ayaa yimid. Isku dhacaan waa mid salka ku hayo keliya kala shaki iyo shirqoolo ay soo maleygeen nabadiidka, ayna doonayaan in ciidamada difaacaya degmada aysan sii joogin, si ay iyaga u qabsadaan.” Ayuu yiri Maxamed Ibraahim Barre, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

Shabaabka oo horey u maamuli jiray Degmada Qoryooley ayaa laga saaray bishii March ee sanadkii 2014, waana mid ka mid ah degmooyinka ugu dadka badan ee gobolkaasi.

Qoryooley ayaa 120km dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc