Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Birmadka oo kormeeray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Birmadka oo kormeeray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Birmadka, Korneyl Suleymaan Maxamed Axmed (Dulmidiid) ayaa Jimcihii kormeeray Xarunta Dowladda Hoose Xamar oo ku taala Degmada Xamar Weyne.

Taliyaha ayaa halkaasi ku booqday Ciidanka Birmadka ee ka hawlgala, isagoona u kuurgelayay xaaladda ciidankaasi iyo qaabka ay amniga xaruntaasi u sugaan.

Taliyaha oo hadal u jeediyay Saraakiishii iyo ciidamadii uu halkaasi kula kulmay ayaa faray adkeynta amniga iyo inay qaab wanaagsan ula dhaqmaan shacabka.

Ciidanka Birmadka waa laan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, kuwaa oo loo carbiyay inay ka hortaggaan rabshadaha, waxayna leeyihiin ilaalin sharafeed ku aaddan howlaha xafladaha ee xafiisyada dowladda.

Kormeerka Taliye Dulmidiid ee Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa imaanaya, iyadoo dalka looga diyaargaroobayo toddabaadka xorriyadda, oo ay ugu soo horreyso 26-ka June oo ku beegan, maalintii Gobolada Waqooyi ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.

Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu qabto munaasabadaha 26-ka June iyo 1-da Luulyo oo iyana ku aaddan, markii Gobolada Koonfureed ka xaroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Somaliya, oo haatan laga joogo saddex iyo lixdan sano.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc