Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha

by admin

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta kormeeray howlaha shaqo ee ka socda Laanta Dhexe Ilaalinta Canshuuraha & Dhaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa u kuurgelayay habsami u socodka howlaha shaqo ee ka socda laantaasi, oo ay gacanta ku hayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Laanta Dhexe ee Iaalinta Canshuuraha & Dhaqaalaha ayaa ahmiyad weyn u leh kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

General Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay howlaha shaqo ee ka socda xaruntaasi, oo ku taala ka soo horjeedka Dekedda Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc