Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Xerada General Farxaan Qaroole (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Xerada General Farxaan Qaroole (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa gelinkii dambe ee maanta kormeeray Xerada Ciidanka Haramcad ee Magaalada Muqdisho.

Xeradan ayaa waxaa 1-dii bishii October loogu magac-daray General Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), Taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, kaas oo 30-kii bishii September lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli Ciidamada Dowladda ay hawlgal ka wadeen waddada xiriirisa Labada Shabelle.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Xerada General Farxaan Qaroole kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Haramcad ayaa faray in ciidamadu ay u diyaargaroogaan wejiga lagaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa Saraakiisha Haramcad u sheegay in mar dhow uu dalka ka bilaabanayo gulufkii ugu dambeeyay, ee sida uu qorshuhu yahay ay tahay in xididada loogu siibyo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Xoogaga Haramcad oo ah Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ayaa loo tababaray la dagaalanka maleeshiyada Shabaabka iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga.

Xoogagan ayaa u badan Ciidankii Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ee hubka sitay, isla-markaana kol hore la kala diray, waxaana tiradooda lagu sheegaa illaa kun (1,000) askari.

Haramcad oo Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay aasaastay sanadkii 2018 ayaa lagu tababaray Saldhigga Militariga Turkiga (Turksom) ee Magaalada Muqdisho, waxaana jira tiro askartaasi ka mid ah oo horaan tababaro dheeri ah loogu diray dalkaasi Turkiga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc