Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Somaliland oo la kulmay Taliyaha Militariga Itoobiya (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Somaliland oo la kulmay Taliyaha Militariga Itoobiya (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Somaliland, General Nuux Ismaaciil Taani oo booqasho ku jooga Magaalada Addis Ababa ayaa galabnimadii Isniintii lagu soo dhaweeyay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ee magaaladaasi.

Taliyaha ayaa intaasi ka dib la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya, General Birhanu Jula, kaas oo ay ka wada hadleen iskaashi la xiriira dhinaca ciidamada.

“Field Marshal Birhanu Jula iyo Taliyaha Ciidanka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani waxa ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca militariga.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Militariga Itoobiya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada taliye ay wada-xaajood ka yeesheen, sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinaca ciidanka.

Telefishinka afka Somaliland ku hadla ee SLNTV ayaa ku waramay “Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Itoobiya, Marshal Birhanu Julana ayaa xarunta waddanka Itoobiya ee Addis Ababa kulan ay ku yeesheen kaga wada hadlay arrimaha iskaashiga militariga ee labada dal.”

Dhinacyadu ma bixin faah faahin intaasi dheer oo la xiriira kulanka ay taliyeyaashu ku yeesheen Caasimadda Addis Ababa, iyadoona kulanka ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ciidan oo ka kala tirsan labada dhinac.

Kulanka ayaa daba socdo heshiiskii is afgaradka ahaa ee Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ay 1-dii bishii ku gaareen Addis Ababa. Heshiiska ayaa ogolanaya in Itoobiya bad kiro ah laga siiyo Badda Cas.

Dowladda Somaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskan, iyadoo ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar sii horreysay sheegay inaanu dhaqangal noqon doonin heshiiskaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc