Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Galcad (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Galcad (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedka safarkooda ayaa la xiriira abaabulka iyo u diyaargarowga hawlgalka ay tahay in ciidamadu ay kula wareegaan Magaalada Ceelbuur ee bariga gobolkaasi.

Taliyaha ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika, gaar ahaan kuwooda ka hawlgala dalka.

Saraakiishan ayaa waxay kormeereen xeryaha iyo fariisimaha ay Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Galcad iyo duleedyadeeda.

Saraakiisha Militariga Mareykanka ayuu qorshuhu yahay in ay Ciidamada Soomaaliyeed ka taageeraan gulufka uu yoolku yahay in lagu qabto Ceelbuur, waana Ceelbuur oo muddo dheer ay ka arrimineysay Al Shabaab.

Toddobaadkii hore ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Saraakiisha Shabaabka ay bilaabeen in ay isaga baxaan magaaladaasi, inkastoo ay weli ku harsan yihiin maleeshiyadooda, kuwaa oo horaan dhufeysyo ka qotay waddooyinka soo gala.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhanka cirka ka garaacaan bartilmaameedyada Shabaabka, haddii ay ku mintidaan gacan ku haynta magaaladaasi.

Sida uu qorshuhu yahay wejiga labaad ee hawlgalka ayay tahay in ciidamadu ay ku xoreeyaan Ceelbuur iyo Galhareeri, oo ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee ay haatan Shabaabku kaga sugan yihiin Gobolada Dhexe.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa wejigii hore ee hawlgalka kula wareegay gacan ku haynta Degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer ee gobolkaasi.

Shabaabka ayaa horey u lumiyay xaruntoodii ugu weyneyd Gobolka Mudug ee Xarardheere, ka gadaal markii Xoogaga Kumaandooska Danab & Gorgor ay bilaa dagaal kula wareegeen 16-kii bishii January.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu qasdigeedu yahay, in inta ka harsan sanadkan lagu soo geba-gabeeyo Shabaabka, ka dib lix iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc