Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Xerada General Dhega-badan (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Xerada General Dhega-badan (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii kormeeray Xeryaha General Dhega-badan iyo General Daa’uud ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga Dalka ayaa soo kormeeray qaybaha ay ka kooban yihiin xeryahaasi.

Taliyaha ayaa Xerada Tababarka Ciidamada ee General Dhega-badan kula hadlay ciidamo cusub oo tababar ku soo qaatay dalka dibaddiisa, dhawaan dib ugu soo laabtay dalka.

Taliyaha ayaa marka hore ciidamada u sheegay in ay ka feejignaadaan dhagarta cadowga, bacdamaa maleeshiyada Al Shabaab ay toddobaadkii hore qarax askar badan ku dhinteen ka gaysteen Xerada Tababarka Ciidamada ee Jaalle Siyaad.

Taliyaha ayaa ciidamada u sheegay in dalka uu ka bilaabanayo hawlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, loogana baahan yahay in ay ka qayb qaataan xoreynta dalkooda.

General Caddow ayaa ciidamada faray in ay u diyaargaroobaan wejiga labaad ee gulufka lagu wiiqayo mintidiinta Al Shabaab, isagoona xusuusiyay in waxa ay u soo tababarteen uu yahay in ay la dagaalamaan oo ay dalka ka difaacaan kooxaha aragixisada.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku howlan abaabulka iyo diyaarinta ciidamada loogu talagalay in ay ka qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc