Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday Xerada Turksom (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday Xerada Turksom (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta kormeeray Xerada Tababarka Ciidamada ee Turksom.

Taliyaha iyo Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka ee la socday ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Xerada Tababarka Turksom, General Ali Sigirtmac.

Taliyaha ayaa intaasi ka dib soo kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xeradaasi, oo ku taala duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Turkiga iyo kuwa Xoogga Dalka ee halkaasi degan ayaa waxaan jirin cid faah faahisay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Saldhigga Turksom oo ah kan ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa ayaa wax weyn ka bedelay baahida ciidan ee horaan ka jirtay dalka.

Saldhiggan ayaa sanad kasta soo saara Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo ciidan door muhiim ah ka qaata dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Kormeerka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Saldhigga Turksom ayaa imaanaya, xilli uu ku howlan yahay abaabulka iyo u diyaargarowga ciidamada ee wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Taliyaha oo Sabtidii Xerada General Dhega-badan kula hadlayay ciidamo cusub oo tababar ku soo qaatay dalka dibaddiisa ayaa sheegay in mar dhow uu dalka ka bilaabanayo hawlgal ballaaran, isla-markaana ay ka qayb qaataan hawlgalkaasi oo dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc