Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ciidamada ku booqday furimaha dagaalka (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ciidamada ku booqday furimaha dagaalka (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, oo ay wehliyaan masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kormeeray ciidamada ku sugan furimaha hore ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Masuuliyiinta ayaa u kuurgelayay xaaladda ciidamada degan deegaanka Daaru-nimca, oo hoostagga Degmada Ruunirgood.

Masuuliyiintan oo halkaasi kula hadlay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa bogaadiyay, sida ay uga go’an tahay in waddanka ka ciribtiraan maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaa Hirshabelle ayaa sheegay inay furimaha dagaalka u joogaan hoggaaminta dagaalka iyo dhiirigelinta Ciidamada Qalabka Sida, iyadoona masuuliyiinta ay deeq xoolaha nool ah ku wareejiyeen Saraakiisha Ciidamada.

Dhanka kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kormeeray Masaajidka Daaru-nimca, oo 30-kii bishii June ay Shabaabku qarax ku burburiyeen.

Masaajidkan ayaa ahaa kan keliya ay ku cibaadeystaan dadka ku dhaqan deegaankaasi iyo tuulooyinka kale ee ku dhow dhow.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ku goodiyay in la joogo dhammaadka Al Shabaab, dhawaana dalka laga ciribtiri doono.

Madaxweynaha ayaa Talaadadii saldhig ka sameystay deegaanada Cadcadey iyo Caddaanlaxey, oo ku dhow xadka Gobolka Shabellaha Dhexe la wadaago Gobolka Galgaduud, si halkaasi uga hoggaamiyo dagaalka kooxaha argagixisada looga sifeynayo daanta galbeed ee Webiga Shabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc