Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Aadan Yabaal (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Aadan Yabaal (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo xubno uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Senator Axmed Maxamed Cali (Afcadey) iyo Saraakiisha Ciidamada ee halkaasi degan.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ay ciidamada ku leeyihiin degmadaasi, isagoona ciidamada ku dhiirigeliyay shaqada ay qaranka u hayaan.

Taliyaha ayaa sheegay in safarkooda Aadan Yabaal uu la xiriiro dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Muhiimadda safarkaygu waxay ahayd dhiirigelinta mujaahidiinta dhiigooda, naftooda iyo maalkoodaba u huray, sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xoreyn lahaayeen kooxda qowleysatada ah ee Al Shabaab.” Ayuu Taliyuhu ku sheegay bartiisa Facebook.

“Awoodeenna iyo maskaxdeenna oo dhan waxaan isugu gaynay ciribtirka Khawaarijta, dadkeennu way na garab taagan yihiin.” Ayuu sii raaciyay Taliyuhu.

Taliyaha ayaa waxaa safarkan ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Xarunta Tubsan, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc