Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo hortegay Golaha Wasiirada (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo hortegay Golaha Wasiirada (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta hortegay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka, xilli Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu shir guddoominayay Shirka Khamiista ee Golaha Wasiirada.

Taliyaha ayaa golaha uga warbixiyay hawlgalka dalka ka bilowday ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, waxaana uu sheegay in Gobolada Dhexe uu ka socdo dagaal uu sheegay looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

Shirka oo diiradda lagu saaray hawlgalka ka socda deegaanada Galmudug ayuu Raysal Wasaaruhu faray Golihiisa Wasiirada in dagaalka ka wada qayb qaataan.

Raysal Wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo bulshadaba in ay ka qayb qaataan dagaalkan dalka looga xoreynayo maleeshiyada Shabaabka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyay go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee ah in uu dagaalka ka hoggaamiyo furimaha hore, si ciidamada iyo dadka deegaanka loogu dhiirigeliyo dardargelinta dagaalka.

“Waxaan bogaadinayaa Ciidamada Qaranka ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxa ay sameynayaan taariikh cusub oo mar labaad looga xoroobayo argagixiso gumeysi ku haya dadkeenna.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa sheegaya in dalka uu ku jiro dagaal la rabo in qof kasta uu ka qaato doorka kaga aaddan, si la isaga dulqaado buu yiri culeyska Khawaarijta ee naafeeyey noloshii iyo horumarkii ummadda Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa ugu dambayn lagu meelmariyay Hindise Sharciyeedka Da’yarta Soomaaliyeed iyo Xeer Nidaamiyaha Maareynta Hantida Danta Guud & Agabka Dowladda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc