Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray jiidda hore ee Galcad (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray jiidda hore ee Galcad (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo socdaalkan ay ku wehlinayeen xubno uu ka mid yahay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ee Ciidamada Mareykanka, General Jonathan Braga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Militariga ee degan.

Saraakiisha ayaa booqday furimaha hore iyo difaacyada ay ciidamadu ku leeyihiin degmadaasi.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada u sheegay in kormeerkoodu uu la xiriiro dhiirigelinta ciidamada iyo dardargelinta hawlgalka militari ee ka socdo Galmudug.

General Caddow oo sidoo kale maalin ka hor booqday Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in dalku uu ka socdo hawlgal looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ayaa bartamaha dalka ka wada guluf ballaaran oo maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo Bariga Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa isku dayaya in ay Shabaabka ka sifeeyaan deegaanada iyo tuulooyinka ka baxsan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, ka hor inta aanay gudaha u gelin magaalooyinkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc