Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Turksom (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Turksom (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta booqday Xerada Tababarka Ciidamada Turksom ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga ayaa waxaa xeradaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Kulliyadda Tababarka Turksom, General Ali Sigirtmac.

Taliyaha ayaa Saraakiisha Turkiga kala hadlay sare u qaadista tababarada iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha Turkiga ayaa saldhiggan ku tababara Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, si Dowladda Federaalka looga gacan siiyo dagaalkan ay kula jirto maleeshiyada Al Shabaab.

Turksom waa saldhigga iyo xarunta tababarka ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, waxaana uu saldhiggan awood u leeyahay in halmar lagu tababaro kun iyo shan boqol oo askari. Turksom ayaa horey loogu tababaray shan kun oo askari oo u badan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka.

Saldhiggan ayaa sanad kasta soo saara Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo ciidan door muhiim ah ka qaata hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Saraakiisha Turkiga ee ka hawlgala saldhiggan ayaa lagu ammaanaa kuwo wax ka taray baahidii ciidan ee horaan ka jirtay dalka.

Saraakiisha Militariga Turkiga ee fadhigoodu yahay Caasimadda Muqdisho ayaa sidoo kale gacan ka gaysta hawlgalada dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc