Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Taliska Ciidanka ATMIS (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Taliska Ciidanka ATMIS (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Hawlgalka ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS, General Sam Okiding.

Kulanka ayaa looga hadlay wejiga labaad qorshaha dhimista ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, waana xilli dhammaadka bisha September lagu wado in Taliska ATMIS uu dalka ka saaro laba kun oo askari.

Hawlgalka ATMIS ayaa daba-yaaqadii bishii June dalka ka saaray saddex kun oo askari, kuwaa oo bilow u noqday qorshaha uu hawlgalku dalka uga saarayo ciidamada.

Wareegga saddexaad ee dhimista ayaa la samayn doonnaa bisha June ee sanadka 2024, waxaana xigi doona wejigii ugu dambeeyay ee ka bixitaankooda dalka oo la samayn doono 31-ka bisha December ee sanadkaasi.

Xeryaha ay ka baxayaan Ciidanka ATMIS ayaa waxaa la wareegaya Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoona illaa iyo hadda ay ciidamadaasi banneeyeen illaa toddobo saldhig.

“General Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in Ciidanka Xoogga Dalka ay la wareegi Karaan amniga guud ee dalka, ayna u diyaarsan yihiin.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Kulanka oo gelinkii dambe ee Talaadadii ka dhacay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS. Xerada Xalane ayaa ah Taliska Ciidanka ATMIS.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc