Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga oo dalacsiiyay guutooyinka degan Awdheegle

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo dalacsiiyay guutooyinka degan Awdheegle

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa dalacsiiyay Ciidamada Militariga ee degan Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada ayaa Axaddii si weyn isaga caabiyay weerar ay maleeshiyada Al Shabaab ku soo qaadeen saldhigga ay ku leeyihiin degmadaasi.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xilligaasi sheegtay in ciidamadu ay ka hortaggeen weerarkaasi, khasaare badana ay u gaysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Isniintii dhiirigelin ugu tegay ciidamadaasi ayaa min laba darajo dalacsiiyay askarta.

“Waxaan rabaa ciidanka labada guuto ka kala tirsan ee halkan ka dhaliyay guusha inaan min laba darajo dalacsiiyo, liiskoodana hala ii soo gudbiyo.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa tilmaamay in weerarkii ugu dambeeyay ay Shabaabku ka gaysteen Awdheegle uu noqonayo kiisii saddexaad ay degmadaasi ku soo qaadaan, isla-markaana ay ku jabaan. Weerarkan kuwii ka horreyay ayuu sheegay inay degmada ku soo qaadeen sanadihii 2019 iyo 2021.

Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay, sida ay saddexda jeerba u fashiliyeen weeraradii Shabaabku ku doonayeen inay dhibaatada kaga gaystaan degmadaasi.

“Mar walba waxaa guusha qaadanaya ninka dulqaadka badan ee adkeysiga badan, waxaana qabaa inaad dulqaadateen iyo inaad u adkeysateen cadowgiina meesha aad dhigteen in meel walba laga arkay.” Ayuu yiri Taliyaha.

“Waxaan leenahay aad ayaad u mahadsan tihiin, qarankuna abaalkiina waa gudi doonnaa.” Ayuu yiri Taliyaha oo ciidamada kula hadlayay degmadaasi.

Saacado ka dib weerarkii Axaddii, barraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaal muujinaya meydad lagu sheegay inay yihiin xubnihii Shabaabka looga dilay dagaalkaasi.

Xoogaga Kumaandooska Gorgor iyo Ciidanka Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka ayaa degan Degmada Awdheegle, waana labada guuto uu Taliyuhu sheegay in la dalacsiiyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc