Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga oo min hal darajo dalacsiiyay cutubyo ka tirsan ciidamada

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo min hal darajo dalacsiiyay cutubyo ka tirsan ciidamada

by Laacib

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Khamiistii min hal darajo dalacsiiyay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, gaar ahaan kuwooda ku sugan deegaanada ku dhow xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Taliyaha oo bogaadiyay ciidamada difaaca ku leh aagga hore ee cirifka labada gobol ayaa ku ammaanay in ay yihiin ciidamada qura ee si is wata ugu sugan difaacooda.

“Marka ugu horreyso waxaa tihiin ciidanka keliya ee si is wadasho ah difaac ugu jiraa tihiin, maanta marka la fiirsho.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa ku dhawaaqay in askari kasta oo halkaasi ku sugan uu dalacsiiyay min hal darajo.

“Nin kasta oo ka mid ah ciidanka waxaan dalacsiinay min hal darajo.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha oo dhiirigelinayay ciidamada ayaa sheegay in sidoo kale ay u samayn doonaan ballanqaad ay lacago ugu helayaan, sida ay u kala darajo sarreyaan.

“Dalacaadda askarta lacag laguma qaadan jirin, laakiin dalacaadda askariga sida uu ugu kala sarreyo in lacag ugu qaato ayaan iyadana idiin ballanqaadaya, haddii Alle idmo.” Ayuu yiri General Caddow.

General Caddow ayaa dib boorka uga jafaya hawlgalka militari ee maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo Gobolada Dhexe, ka dib habacsanaan ku yimid hawlgalkaasi, markii ciidamadu maalmo ka hor ay dib u soo banneeyeen dhul horey looga saaray maleeshiyadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc