Home Wararka Maanta Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka iyo ujeedada uu u yimid Muqdisho (SAWIRRO)

Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka iyo ujeedada uu u yimid Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha cusub Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii Xeer Madaxweyne darajada Gaashaanle Sare ugu dalacsiiyay Dayax Cabdi Cabdulle, oo uu u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka.

Taliyaha cusub ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb, oo Madaxweynuhu uu u joogo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha oo ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa ka hor inta aan loo magaacaabin xilkaasi, waxa uu ahaa Taliyaha Guutada 17aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor, waxaana uu door weyn ka qaatay wejigii hore ee hawlgalka oo Shabaabka lagaga saaray inta badan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Imaanshihiisa Muqdisho ayaa lagu sheegay, sidii uu u diyaarin lahaa goobta la dejinayo guutooyin ka tirsan ciidamada oo tababar ku soo qaatay dalka Eritrea, lana filayo in dhawaan dib ugu soo laabtaan dalka.

Taliyaha ayaa lagu wadaa in ciidamadaasi uu ku soo dhaqaajiyo aagagga dagaalka, si ay uga qayb qaataan dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Ciidamadan oo illaa shan kun oo askari gaarayay ayaa la fahamsan yahay in saddex kun oo ka mid ah dalka dib loogu soo celiyay bishii December.

Ciidamadan ayaa dhammaadkii sanadkii 2019 iyo bilowgii sanadkii xigay ee 2020 tababar loogu qaaday dalkaasi, waana ciidamadii ugu waqtiga dheeraa ee tababar ugu maqnaada dal shisheeye, tan iyo intii dib loo yegleelay Dowladnimada Somaliya, muddo haatan laga joogo saddex iyo laaban sano.

Dib u soo celintooda ayaa waxay imaanaysaa, iyadoo Gobolada Dhexe uu ka socdo dagaal la doonayo in xididada loogu siibo Shabaabka hubeysan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc