Home Wararka Maanta Taliyaha CXD: Waad ogtihiin guushii aan 77 ka gaarnay Xabashida

Taliyaha CXD: Waad ogtihiin guushii aan 77 ka gaarnay Xabashida

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa maanta kormeeray cutubyo ka tirsan Guutada Birjeex oo degan Xerada Militariga Hiilweyne ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa dhiirigelin ugu tegay Guutada 30aad Birjeex ee fadhigeedu yahay xeradaasi, oo ku taala waddada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

“Waxaa maanta farxad noo ah la kulanka Ciidanka & Saraakiisha Guutada 30aad ee Birjeex ee maanta saldhigoodu yahay Hiilweyne.” Ayuu yiri Taliyaha.

Waxa kaloo uu yiri “Maanta waxaan arkaynaa raggan inay yihiin rag dhaarsan, oo runtii dalkooda iyo dadkooda inay u adeegaan ku talagalay inay yihiin, waxaana filaynaa ninka sidaan u adkeysta oo dulqaadkiisu sidaanu yahay ayaa wax ka gaari kara ciidan. Waxaan rabaa sumcadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sidaad u ilaaliseen inaad ku sii haysaan, oo ku sii waddaan.”

Taliyaha ayaa tilmaamay in xeradan ay tahay halka ay ka soo baxeen Ciidankii Xoogga Dalka ee guulaha ka soo hooyay dagaalkii Somaliya ay sanadkii 1977-kii la gashay Itoobiya.

“Dugsiga Hiilweyne waa dugsiga aad ogtihiin raggii ka soo baxay, ciidamadii ka qayb qaatay dagaaladii cadowga Somaliya lala galay dugsiga tababarka ay ka soo baxeen waa Hiilweyne. Maanta nin Soomaali ah oo dugsiga Hiilweyne ka soo baxay oo aan la garanayn ma jiro. Hiilweyne waa dugsiga ay ka soo baxeen ciidankii 77 waxaad maqasheen ka dhigay, waa dhallinyartiina maadan maqlin, laakiin buugaagta inaad ka akhriseen waan rajeynaa oo aad taariikhda fiirisiin.” Ayuu yiri General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Waad ogtihiin guushii ay ka gaareen Ciidanka Xabashida berrigaas aan dagaalamaynay ama Itoobiya aan dhaho aan dagaalamaynay. Raggii ka soo baxay dalkan dadkii meteli lahaa ama ka soo daba baxay waa idinka, waxaana rabnaa magaca dugsiga ninba maalin ayuu soo gelayaa, laakiin nin walba maalintuu soo galo inuu sidaa u ilaaliyo, oo sida maanta aad u ilaaliseen uu u ilaaliyo.”

Taliyaha ayaa muujiyay in xeradan ay mudnaan u leedahay Qaranka Soomaaliyeed, isagoona ciidamada degan kula dardaarmay in ay ilaaliyaan magaca xerada, sida ay haddaba u ilaaliyeen.

Dhanka kale Taliyaha oo ay la socdeen saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Xerada Turksom, General Ali Sigirtmac ayaa xusay in ay xerada u soo booqdeen, sidii xeradaasi loo ballaarin lahaa, bacdamaa ay labada dal dhawaan wada gaareen heshiis la xiriira iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha.

“Waddankan waad ogtihiin marxaladda uu ku jiro. Walaalka dhabta ah ee aan leenahay maanta waa Turkiga, ujeedada uu Taliyaha noo soo booqdayna waxay tahay masuuliyad inay qaadeen waad ogtihiin. Masuuliyaddii ay qaadeen darteed ayay maanta booqasho idinkugu yimaadeen.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Waxaa wax laga qaban doonnaa oo la weynayn doonnaa xeradan aad degan tihiin. Waxaan u soconaa dalkeenna khayraadkiisu inuu soo gaaro Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Madaxda Dowladda Somaliya iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa muddooyinkii ugu dambeysay si aan looga baran weeraro afka ah ugu qaadayay Itoobiya, ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhinaca badda ee Raysal Wasaare Abiy Ahmed uu 1-dii bishii January la gaaray Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo Madaxda Dowladda Federaalka ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, isla-markaana aan dhaqangeli doonin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc