Home Wararka Maanta Taliyaha CXD “Waqti dhow Shabaab dalkan waa laga waayi doonnaa”

Taliyaha CXD “Waqti dhow Shabaab dalkan waa laga waayi doonnaa”

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa dhallinyarada ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ugu baaqay in ay isaga baxaan safka maleeshiyadaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyada Shabaabka aanay maanta lahayn awood ay ugu babac-dhigi karaan Ciidanka Xoogga Dalka, awoodoodana ay ku soo uruurtay qarax iyo carruur ay si khasab ah ku soo dagaal-geliyaan.

Taliyaha ayaa dhallinta la marin habaabiyay ee maskaxdooda la dhaqay ugu baaqay in ay isaga haraan Shabaabka, isla-markaana aysan qayb ka noqon dagaalka ay wadaan.

“Nimankaas dhallinyarada ah ee dagaalkaas ku jira waxaan ugu baaqaynaa in ay dagaalkaasi ka haraan.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa Hoggaanka Shabaabka ugu yeeray “Waxaan ugu baaqaynaa inaysan carruurta yaryar dabka ku shubin, carruurtana waxaan ugu baaqaynaa iyo cid alla iyo ciddii ku lug leh inay ka soo haraan, oo ay dagaalka ka baxaan.”

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Awooddeenna maanta halka ay joogto iyo halka aan u socono ma ahan mid ay noo babac-dhigi karaan. Waxaan leenahay marka dadka weli ku sii dambeeya ama nimanka Khawaarijta weli la sii jooga inay ka baxaan.”

Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay in waqti dhow ay Shabaab uga dhammaan doonto dalka, isagoona cid kastoo ka tirsan ku adkeeyay in hadda ay isaga baxaan ka sii mid ahaanshaha Shabaabka.

“Xaqiiqdu waxay tahay waqti aan dheereen nimanka la yiraahdo Shabaab dalkan wuu ka dhammaan doonnaa. Marka dembi aaddan adigu gelin qoorta ha saaranina, isaga baxa ayaan leenahay.” Ayuu yiri General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu xusayay 64 sano guurada ka soo wareegatay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc