Home Wararka Maanta Taliyaha Guutada 8aad oo kormeeray ciidamada degan Goofgaduud Buurey (SAWIRRO)

Taliyaha Guutada 8aad oo kormeeray ciidamada degan Goofgaduud Buurey (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Guutada 8aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Maxamed Nuur Maxamed (Mad Dheere) ayaa maanta kormeeray ciidamada degan deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay.

Goofgaduud Buurey oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo ayaa ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga magaaladaasi.

Deegaankan waxaa degan Ururada 45aad, 46aad iyo 47aad ee Guutada 8aad ee Qaybta 60aad.

Taliyaha Guutada 8aad ayaa halkaasi u tegay, sidii uu u soo tira-koobi lahaa Ciidamada Militariga ee fariisimaha ku leh.

Taliyaha ayaa ciidankaasi faray in ay ku sii sugnaadaan furimaha dagaalka, isla-markaana ay ku shaqeeyaan awaamiirta Madaxtooyada.

Taliska Qaybta 60aad ayaa bishii August xoojiyay difaaca ciidamada degan Goofgaduud Buurey, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan deegaankaasi.

Kormeerka Gaashaanle Mad Dheere ayaa imaanaysa, xilli Siyaasiyiinta Mucaaradka Koonfur Galbeed ay maalin ka hor ku baaqeen in Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay qabato doorashada madaxtinimada, haddii ay geba-gabo ku dhowdahay sanadkii dheeriga ahaa ee loogu daray Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc