Home Wararka Maanta Taliyaha Hawlgalada Gaarka ee Mareykanka oo booqasho ku yimid Muqdisho (SAWIRRO)

Taliyaha Hawlgalada Gaarka ee Mareykanka oo booqasho ku yimid Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Hawlgalada Gaarka ee Ciidamada Mareykanka, General Jonathan Braga iyo wafdi uu Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa Xarunta Xalane kula kulmay Taliyaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, General Sam Okiding, Taliye Kuxigeenka Saadka, General Peter Kimani Muteti iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ATMIS.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo qorshaha ka bixitaanka dalka ee Ciidanka ATMIS, maadaama la doonayo in si tartiib tartiib ah loo dhimo tirada ciidankaasi, inta laga gaarayo sanadka 2024, markaas oo sida uu qorshuhu yahay ay Ciidanka Xoogga Dalka la wareegi doonaan masuuliyadda amniga ee dalka.

Geba-gabadii kulankaasi, Taliyaha Ciidanka ATMIS ayaa sheegay in Saraakiisha Mareykanka ay si dhow uga wada hadleen, sidii Dowladda Federaalka looga taageeri lahaa howlaha amniga iyo xasilloonida dalka.

“Mareykanku waa mid ka mid ah saaxiibada caalamiga ee ugu muhiimsan, waxaana ka wada hadalnay arrimo muhiim ah.” Ayuu yiri Taliyaha.

“Waxaan ku jirnaa geeddi-socodkii kala-guurka, marka muddadeena dhammaysano, waa inaan ku faannaa walaalaheenna u haraya inay gacanta ku dhigaan amniga dalkooda, taasina waa annaga rajadeenna.” Ayuu sii raaciyay Taliyuhu.

Rear Admiral Jamie Sands oo ka mid ahaa Saraakiishii Mareykanka ee la kulmay Taliska ATMIS ayaa yiri “Kulanku wuxuu ahaa fursad lagu xaqiijinayo ballanqaadka Mareykanka ee iskaashiga ATMIS iyo taageerada Somaliya ee la dagaalanka Al Shabaab.”

Mareykanka ayaa Dowladda Federaalka ka taageera tababarada & tayaynta Ciidanka Kumaandooska Danab iyo weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan.

Pentagon-ka ayaa Shabaabka u arka khatarta ugu weyn ee amni ee maanta ka jirta Qaaradda Afrika.

Kulankan ayaa imaanaya labaatan cisho ka dib weerarkii cagmarinta ahaa, ee ay Shabaabku ka gaysteen Xeradii Ciidanka ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc