Home Wararka Maanta Taliyaha Qaybta 27aad oo booqday Ciidamada Militariga ee degan Beledweyne

Taliyaha Qaybta 27aad oo booqday Ciidamada Militariga ee degan Beledweyne

by Laacib

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) oo uu wehliyo General Maxamed Goodax Barre ayaa booqasho ugu tegay Ciidanka Guutada 5aad ee Qaybta 27aad ee degan Magaalada Beledweyne.

Taliska Qaybta 27aad ayaa bogaadiyay doorka ay ciidamadu ku leeyihiin xasillinta amniga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa ciidamada u sheegay in dalka uu ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo dalka.

Taliyaha ayaa ciidamada ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan hawlgalka la doonayo in maleeshiyadaasi lagaga saaro daanta galbeed ee Gobolka Hiiraan.

Taliye Faarax Kooshin ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ka fogaadaan ku milanka xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii ugu dambeysay ka taagneyd Beledweyne, ee ka ka dhalatay xil ka qaadistii Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc