Taliyaha Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa maanta kormeeray Ciidamada Militariga ee degan deegaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.
Baar-sanguuni oo qiyaastii 50km dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa degan cutubyo ka tirsan Guutada 11aad ee Qaybta 43aad.
Taliyaha oo halkaasi kula hadlayay ciidamada ayaa u sheegay in uu ugu yimid, sidii uu ula socodsiin lahaa in mar dhow uu gobolka ka bilaabanayo hawlgal maleeshiyada Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga harsan yihiin gobolkaasi, kaas oo daba socda midkii dhawaanahaanba ka socday gobolka.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in deegaanada kale ee Jubbaland ay ciidamadu ka sameynayaan hawlgalkaasi mid barbar socda, oo dalka lagaga xoreynayo sida uu sheegay kooxaha argagixisada.
Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay kaalin mug leh ka qaataan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
General Bogmadow ayaa abaabul iyo diyaargarow ciidan ka wada deegaanada Jubbaland, oo loogu diyaargaroobayo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.
Jananka oo dhawaan booqday ciidamada degan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa kula dardaarmay in uu waajib ka saaran yahay, sidii ay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Jubbaland uga dulqaadi lahaayeen Khawaarijta buu yiri leynaysa dadkeenna.