Home Wararka Maanta Taliyaha Saldhigga Guriceel oo ka hadlay dilka nin la dhashay loogu gaystay magaalada

Taliyaha Saldhigga Guriceel oo ka hadlay dilka nin la dhashay loogu gaystay magaalada

by Laacib

Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel, Cismaan Cali Huudey ayaa ka hadlay dilka nin la dhashay xalay fiidkii loogu gaystay magaaladaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in tan iyo markii 8-dii fiidnimo ee xalay la dilay walaalkii Cabdullaahi Cali Huudey ay ciidamada amnigu wadaan hawlgalo lagu baadigoobayo dembiilaha.

“Waxaan rajeynaynaa haddii Alle idmo in gacanta lagu soo dhigo saacadaha soo socda.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Guriceel ayaa ehelada marxuumka ugu baaqay inaanay wax dhibaato ahi u gaysan dad aan ku lug lahayn dilkaasi.

“Waxaan rabaa halkan inaan kala wadaago dadka qaraabada in aysan dhicin qof walaal ah oo xaq qabin inaanan xadgudub lagu sameynin, inaanan la qaadin tallaabo kale oo xadgudub ah, in haddii Alle idmo la sugo laamaha ammaanka, maamulka iyo dhammaaan waxgaradka howshaasi ku jira.” Ayuu yiri Taliyaha.

Waxa uu sheegay in ay juhdi badani ku bixinayaan, sidii ay sharciga u horkeeni lahaayeen ciddii ka masuulka ahayd falkaasi, isla-markaana ay xil iska saarayaan in aanan la dhibaateyn cid aan wax shaqo ah ku lahayn dilkaasi.

“Waxaan xil iska saaraynaa oo aan adkeynaynaa haddii Alle idmo inaysan dhicin falkii meeshaan ka dhacay oo kale, waxaana rajeynaynaa in gacan ku dhiiglihii uu gacanta soo galo.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Cismaan Cali Huudey, Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel ayaan sheegin cidda dishay walaalkii iyo waxa uu dilkiisu salka ku hayo.

“Dawada iyo xalku wuxuu ku jiraa in gacan ku dhiiglihii uu gacanta soo galo.” Ayuu yiri Taliye Huudey oo intaasi ku daray “Soo qabashada gacan ku dhiiglaha xalka nabadda ayaa ku jira.”

Marxuum Cabdullaahi Cali Huudey oo ka mid ahaa dhallinyarada reer Guriceel ayaa lagu dilay goob ganacsi oo magaalada uu ku lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in nin hubeysnaa uu goobtiisa ganacsi ku dhex dilay marxuumka, ka dibna uu goobtaasi ka baxsaday.

Gudoomiyaha Degmada Guriceel, Faarax Cabdi Macalin ayaa sheegay in ciddii falkaasi ka dambeysay aan looga hari doonin meel kasta oo ay tagto, sida uu yiri.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in falalka ceynkani oo kale ah ay gadaal ka riixayaan qolo uu sheegay inay dano gaar ahi ka leeyihiin, balse aanay u suurtageli doonin in ay qalqal amni ka abuuraan Guriceel.

“Waxaan leenahay cid walba oo ka fekeraysa in deegaankan iyo deegaanada la midka ah ay foolxumo iyo amni darro ay noqoto, waxaan leenahay idiin ma suurtagelayso.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc