Home Wararka Maanta Taliyaha SOCAFRICA oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho

Taliyaha SOCAFRICA oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho

by Laacib

Taliyaha Hawlgalada Gaarka Mareykanka ee Afrika (SOCAFRICA), Ronald A. Foy iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa Arbacadii booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa la kulmay diblomaasiyiinta Safaaradda Mareykanka iyo xubno uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.

Taliska SOCAFRICA ayaa qoraal ku sheegay in dhinacyadu ay ka wada hadleen, sidii ay uga sii shaqayn lahaayeen iskaashiga ay ka leeyihiin arrimaha amniga.

“Saaxiibadayada Afrika waxay sii wadaan inay horumar muhiim ah ka sameeyaan kor u qaadista u hoggaansanaanta sharciga iyo taageerada maamulada madaniga ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

SOCAFRICA waa talis hoosaadka USSOCOM oo hoos yimaada Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), oo xaruntiisu tahay Kelley Barracks, Stuttgart-Mohringen ee dalka Jarmalka.

SOCAFRICA waxay qabataa noocyada kala duwan ee hawlgalada, waxayna si dhow ula shaqeysaa qaybaha, hay’adaha is dhexgalka iyo Qaramada Midoobey, si loo ilaaliyo nolosha iyo danaha Mareykanka ee qaaradda.

Talisku wuxuu dhisaa taatikada iyo hawlgalka ka hortagga ururada xagjirka ah & rabshadaha, iyadoo dalalka iskaashiga la leh Mareykanka laga caawinayo horumarinta qaab dhismeedka amniga gobolka, si loo la dagaalamo khataraha gobolka, loona abuuro xasillooni.

Taliyaha SOCAFRICA ayaana u adeega, sidii La taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Taliyaha AFRICOM.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc