Home Wararka Maanta Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda ee Degmada Doolow oo la baarayo cidda dishay

Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda ee Degmada Doolow oo la baarayo cidda dishay

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda ee degmadaasi uu maanta ku dhintay rasaas ka dhacday hoygiisii.

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Hilowle Xuseen ayaa la sheegaya in uu ku dhintay rasaas laga dhex maqlay qolkii uu deganaa, xilli ay kula sugneyd xaaskiisa oo qura.

Wararka ayaa sheegaya in xilligii rasaastu dhaceysay ay ilaaladiisa ku sugneyd dibadda, markii ay qolka soo galeyna ay arkayn meydka Taliyaha iyo afadiisii oo la joogto.

Laamaha amniga ayaa markii dambe goobta ka kaxeeyay haweeneydaasi, iyagoona su’aalo ka weydiinaya, sida uu Taliyuhu u dhintay.

Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in ay ka dhur-sugayaan baaritaanka ay laamaha amnigu wadaan.

“Xabadda sida ay dhacday iyo sida uu Taliyuhu u dhintay ayaa baaritaan lagu hayaa, natiijada baaritaanka ayaana sugeynaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray “Annagu waxaanu sheegaynaa keliya in ninkaasi uu dhintay Allaha u naxariisto, gabadhiina ay xiran tahay, baaritaankiina uu socdo.”

Dhacdadan ayaa si weyn looga hadalhaya degmadaasi, iyadoona aanay illaa iyo hadda ka hadlin hay’adaha ammaanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc