Home Wararka Caalamka Tel Aviv oo xanibeysa canshuuraha Maamulka Falastiiniyiinta

Tel Aviv oo xanibeysa canshuuraha Maamulka Falastiiniyiinta

by Laacib

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa ku hanjabay in Israel ay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Falastiiniyiinta, ka dib markii Dowladaha Spain, Ireland iyo Norway ay ku dhawaaqeen inay aqoonsanayaan Dowladda Falastiin.

Wasiirka ayaa sheegay inay joojinayaan in Maamulka Falastiiniyiinta ay ku wareejiyaan lacagaha canshuuraha ee ay Israel ku soo uruuriso magaca Falastiiniyiinta.

Maamulka Falastiiniyiinta ee fadhigiisu yahay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay dalalkaasi si rasmi ah ugu aqoonsanayaan Dowladnimada Falastiin, taas oo uu carro ka muujiyay Wasiirka Maaliyadda Israel.

“Kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada, Wasiiro badan oo aniga aan ka mid ahay ayaa sameeyay dalab aan mugdi ku jirin, oo ah in tallaabooyin ciqaab adag laga qaado Maamulka Falastiiniyiinta ficiladooda halka dhinac ah ee ka dhanka ah Israel.” Ayuu yiri Wasiirka midigta fog.

Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda Israel ayaa dhanka kale sheegay inuu meesha ka saari doono heshiis kasta, oo Dowladda Norway ay gacan kaga gaysaneyso fududeynta wareejinta dakhliga canshuuraha, si looga hortaggo burbur dhaqaale.

“Norway waxay ahayd tii ugu horreysay ee si keli ah u aqoonsata Dawlad Falastiin ah. Ma noqon karto shuraako wax kasta oo la xiriira Daanta Galbeed.” Ayuu yiri Smotrich.

Bishii January ee sanadkan, Golaha Wasiirada Israel ayaa ansixiyay qorshe loogu wareejinayo Dowladda Norway lacagaha canshuuraha ee Maamulka Falastiiniyiinta uu u qoondeeyay Marinka Gaza.

Sida ku cad go’aanka Golaha Wasiirada, lacagaha loo qoondeeyay Marinka Gaza ee ay soo uruuriso Israel ayaa waxaa bil kasta lagu shubaya koonto ama akoon sugan oo Norway ay maamusho, si lacagtaasi aysan ugu dhicin gacanta Xamaas, waana halka uu Wasiir Smotrich kala dagaalayo Norway.

Smotrich ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ugu yeeray inuu dejiyo qorshe lix qodob ka kooban, oo ay ku jiraan haynta khidmadaha cashuuraha ee Maamulka Falastiiniyiinta iyo in la ballaariyo deegaameynta laga sameynayo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Tel Aviv ayaa uruurisa canshuuraha u soo xarooda Maamulka Falastiiniyiinta, waxayna bil kasta siin jirtay Maamulka Madaxweyne Mahmoud Abbas, oo inta badan u adeegsada bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka, ciidamada madaniga iyo miisaaniyadda uu maamulkaasi ku shaqeeyo.

Wasaaradda Maaliyadda Israel ayaa bil walba uruurisa canshuur dhan 150 illaa 188 milyan oo dollar, waana dhakhliga ugu weyn ee u soo xarooda amaba uu ku tiirsan yahay Maamulka Falastiiniyiinta.

Labada dhinac ayaa horey ugu heshiiyay in Israel ay qaaddo lacagaha canshuuraha ah, dibna ay ugu wareejiso Maamulka Falastiiniyiinta ee ka dhisan Daanta Galbeed.

Maaha markii ugu horreysay oo Israel ay xanibto wareejinta dhakhliga canshuuraha ee Falastiiniyiinta.

Bishii May ee sanadkii 2011 ayay ahayd, markii Israel ay xanibtay wareejinta canshuurahaasi, iyadoo ka falcelineysa heshiiskii midnimada ee ay gaareen Xamaas iyo Fatax.

Israel ayaa ka carootay heshiiskii 4-tii bishii May ee sanadkaasi ee Fatax iyo Xamaas ku gaareen Magaalada Qaahira, markaas oo ay ku heshiiyeen in la dhiso xukuumad ku-meel-gaar ah, si loogu diyaargaroobo Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, iyagoo markaasi yeelanaya hal maamul oo ay ku mideysan yihiin.

Dhowr jeer oo kale ayay Israel qaadday tallaabooyin ay ku xanibeyso wareejinta canshuurahaasi, inkastoo cadaadis kaga yimid dhanka Mareykanka ay keentay inay dib u bilowdo wareejinta lacagaha canshuuraha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc