Home Wararka Maanta Tirada dadka rayidka ah ee lagu laayay Marinka Gaza oo aad u korortay

Tirada dadka rayidka ah ee lagu laayay Marinka Gaza oo aad u korortay

by Laacib

Waxaa aad u kordheysa tirada dadka rayidka ah ee ku la’anaya duqaymaha joogtada ah ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan guud ahaanba Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel oo taageeraya ciidamadooda ku sugan Marinka Gaza ayaa garaacaya bugcad kasta oo ku taala dhulka go’doonsan.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay inaysan jirin meel ammaan ah oo ku taala Marinka Gaza, marka aad eegto dagaalka meelaha qaar ku dhex maraya Ciidamada Israel & kooxaha wax iska caabinta iyo diyaaradaha dagaalka Israel oo bartilmaameedyo ka gaysanaya goobaha ka durugsan aagagga dagaalka.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee la dilay, tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay gaartay 36 kun oo qof. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidamada Israel ay dhaawaceen in ka badan 80,640 qof.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhibaneyaasha oo dhammaantood dad shacab ah ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Tirada dhimashada iyo dhaawaca ee rayidka la diiwaangeliyay ayaa ah inta la ogyahay, waxaana jira kumanaan kale oo lagu la’yahay dagaalka.

Ehelada dadka maqan qaarkood ayaa laga soo xigtay in xubnaha ay weysan yihiin ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.

Dilalka joogtada ah ee ay Israel ku hayso dadka reer Gaza ayaa waxaa dheer inay weli hortaagan tahay gargaarka bani’aadantinimo ee la doonayo in la gaarsiiyo shacabka tabaaleysan, inkastoo Axaddii shalay ay fasaxday 200 oo baabuur oo siday raashiin iyo shidaal, waana markii ugu horreysay oo gargaarkaasi ay fasaxday ku dhawaad saddex toddobaad oo ay xanibeysay.

Gumaadka Israel ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ayaa sii xumeeyay muuqaalkeedii dunida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc