Home Wararka Caalamka Tirada dhimashada ee Israeliyiinta oo korodhay

Tirada dhimashada ee Israeliyiinta oo korodhay

by Laacib

Tirada Israeliyiinta ee lagu dilay rabshadahan ka dhex socda iyaga iyo Falastiiniyiinta ayaa hadda gaartay kun iyo afar boqol (1,400) oo qof.

Afhayeenka Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, gabadha lagu magacaao Tal Heinrich ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 1,400 oo qof, iyadoo intaa ku dartay 120 qof oo Israeliyiin ah ay haatan afduub u haystaan Xoogaga Xamaas.

“In ka badan 1,400 ayaa la dilay, 120 Israeliyiin ahna waxaa afduub u haysta Xamaas.” Ayay tiri Tal Heinrich oo Warbaahinta la hadashay.

Tal Heinrich ayaa tiri “Tirada dadka dhaawacmay waxay ka badan yihiin 3,500 oo qof. Dadka dhintay waxaa ku jira 286 askari.”

Tirada dhimashada ee Israliyiinta ayaa Jimcihii ahayd 1,300 oo qof, iyadoona kororka dhimashadooda loo aaneynayo iska caabinta ay meelaha qaarkood ka sameynayaan Xoogaga Xamaas.

Xoogaga Xamaas ayaa sii wada gantaalada ay ku garaacayaan deegaanada ku dhow dhow Marinka Gaza iyo magaalooyinka fogfog, sida Tel Aviv, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa uu sii kordhayo khasaaraha dadka reer Israel, tani oo jawaab u ah duqaymaha aan loo meel-dayin ee Israel ka fulineyso Gaza.

Xoogaga Xamaas ayaa 7-dii bishan weerar si weyn loo abaabulay ka gaystay dhulka la haysto, waxaana lagu sheegay maalintii ugu dhimashada badneyd ee taariikhda Israel, muddo 75 sano ah.

Maamulka Israel ayaa marba tiro ku sheegaya dadka afduubka loo haysto, iyadoona Warbaahinta maamulkaasi ay tebineyso in ay jiraan boqolaal qof oo nolol iyo geeri aan midna lagu hayn.

Maalintii labaad ee weerarka, Warbaahintu waxay sheegtay in Xamaas ay qafaalatay kun qof, oo isugu jira dad rayid ah iyo Ciidamada Israel.

Isku dhacyada u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayaa gobolka ka dhigtay mid ay xiisaddiisu aad u sarreyso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc