Home Wararka Caalamka Tirada maxaabiista Israeliyiinta ee la haysto oo mar kale korortay

Tirada maxaabiista Israeliyiinta ee la haysto oo mar kale korortay

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa shaaciyay in ay korortay tirada maxaabiista Israeliyiinta ee ay Xoogaga Xamaas ku haystaan Marinka Gaza.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in tirada dadka Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza ay hadda gaartay 212 qof.

Afhayeenka ayaa maanta Warbaahinta u sheegay in qoysaska la haysteyaasha ay ku wargeliyeen in xubnaha qoysaskooda lagu haysto Gaza.

Afhayeenka ayaa Isniintii ina dhaaftay sheegay in dadka afduubka loogu haysto Gaza ay gaarayaan 199 qof oo Israeliyiin ah, balse Axadda maanta ah ayuu sheegay in tirada dadkaasi ay tahay 212 qof.

Afhayeenka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Obaida ayaa sheegay in ay doonayeen in ay xaalado caafimaad awgood u sii daayaan laba la hayste oo Israeliyiin ah, balse ay Israel diiday sii deynta dadkaasi.

“Waxaan ku wargelinay Dowladda Qatar inaan sii deyn doono Nuurit Yitshaq iyo Yokhefed Lifshitz sababo bani’aadintinimo oo aan ka fileynin in ay soo laabtaan, ha yeeshee Israel ayaa diiday inay aqbasho.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Xoogaga Xamaas ayaa habeenkii Jimcaha sii daayay laba hayste oo u dhashay dalka Mareykanka, ka dib dhexdhexaadin ay sameysay Dowladda Qatar.

Abu Obaida ayaa mar sii horreysay sheegay in tirada maxaabiista Israeliyiinta ay gacanta ku hayaan ay dhan tahay 250 qof, oo isugu jira rayid iyo Ciidamada Israel, balse Tel Aviv ayaan warkaasi xaqiijin.

Warbaahinta Israel ayaa horaan sheegtay in ay jiraan boqolaal qof oo nolol iyo geeri aan midna lagu hayn, ka dib weerarkii lama filaanka ahaa ay Xamaas ka gaysatay dhulka Israel maamusho.

La haysteyaasha ayaa waxaa ku jira dad haysta laba dhalasho, oo Xoogaga Xamaas ay ku soo qabteen weerarkii 7-dii October.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc